Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowlada Mareykanku siisay Dowlada Soomaaliya

0
154

Maamulka Khaatumo  ayaa talaabo horay loo qaaday ku tilmaamay soo celinta xiriirka caalamka ee ay ku guuleysatay Soomaaliya iyo balan qaadka Dowlada Mareykanka ee ku aadan dowlada rasmiga ah ee dalka ka jirta.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga dowlada Mareykanku ay siisay dowlada Federaalka,  isagoo hoosta ka xariiqay in wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ay muqadas tahay,  wuxuuna  madaxda sare ee Qaranka ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen.

Dhanaca kale madaxweynaha maamulkaasi ayaa tilmaamay in maamulka Khatumo uu soo dhaweynayo dadaalada ay dowlada dhexe ugu jirto horumarinta dalka.

Idale News Muqdisho