Kulan lagu taageerayay dowlada ayna ka qeybgaleen qeybaha bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

0
191

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dowladda ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanka lagu taageerayey Xukuumadda Federaalka Soomaailya,isla markaana ay ka soo qeyb galeen Aqoonyahanno, dhallinyaro, Waxgaradka Haween iyo Marti  kale, waxaana soo qaban qaabiyay ururka dhallintarada Kobcinta iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee CEDEF.

Kulanka inti uu socday dadkii ka soo qeyb galay waxa ay soo jeediyeen in la xoojiyo garab istaaga dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u ammaanay waxqabadka Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdon Saacid.

Guddoomiyaha Ururkii soo agaasimay kulankA Maxamed Axmed Xersi ayaa daboolka ka qaaday in ay u riyaaqeen dhallinyarada Soomaaliyeed waxqabadka Xukuumadda, taasina ay daliil u tahay horumarka ka socda Caasimadda, waajibna ay tahay in la taageero dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa daba socda kulammo sidan oo kale uga dhacay gudaha dalka oo lagu muujiyey taageerada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan dowladdooda, waxaana Xukuumadda Federaalka ay ku dadaaleysaa sidii ay uga dhabeyn lahayd balan qaadkii ay sameysay ee ku aaddanaa in mudo kooban ay waxqabad muuqda shacabka hor keeni doonto.

Idale News Muqdisho