KoofurGalbeed: Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha

0
380

Waxaa weli ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay olole siyaasadeed oo iska soo horjeeda kuwaasoo ay wadaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed.Shalay ayaa waxaa ku dhowaaqay inkabadan kala bar guddiga doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed inay xilka loo magacaabay iska casileen iyadoo xubnaha is casilay ay ku jireen guddoomiyaha,guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayntii guddiga doorashada.

Hase yeeshee xubnihii ka haray guddiga oo gaaraya 12 ayaa maanta ku dhowaaqay inaysan dib u dhici doonin doorashada Madaxweynaha lana qaban doono xilligii la qorsheeyay ee 17ka bishan November.

Sidoo kale waxaa maanta ka hadlay magaalada Baydhabo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Koofurgalbeed kuwaasoo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada maadaama ay jiraan farogelin lagu hayo doorashada.

Balse duqey kale ayaa iyaguna gelinkii dambe ee maanta hadlay ayaa waxa ay sheegeen inaan dib loo dhigi karin doorashada waqtigeedana ay qabsoonto, waxayna ugu baaqeen guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed in uu bedelo xubnaha is casilay oo uu soo magacaabo xubno kale.

Waxa jira cadaadis xoog leh oo la saarayo guddoomiyaha baarlamaanka Koofurgalbeed C/qaadir Shiikhunaa Maye iyadoo dhinac ka mid ah siyaasiyiinta ay doonayaan inuu dhamaystiro tirada guddiga doorashada halka kuwo kalana ay ku cadaadinayaan in dib loo dhigo doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka koofurgalbeed uu qorsheynayo in uu shir jaraa’id qabto subaxnimada Arbacada ee 7da bishan isagoo ka hadli doono go’aanka baarlamaanka ee la xiriira doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.