Koofur Galbeed:Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal oo ka wada hadlay xaalada

0
287

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan is bedelka ku soo kordhay Koofur Galbeed, kaddib is casilaadii Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida wararka sheegayaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo sidii dowladda Federaalka u xaqiijin laheyd in doorasho nabdoon ka dhacdo magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ay tagaan magaalada Baydhabo, sidii looga qeyb qaadan lahaa dadaalada socda iyo habsami u socodka howlaha doorashada Koofur Galbeed.

Sidoo kale waxaa Labada Mas’uul ka wada hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Guddoomiyaha Mursal ayaa ah xilligan mas’uulka ugu sareeya ee dowladda Federaalka ku matala reer Koofur Galbeed, inkastoo saameyntiisa siyaasadeed aanay muuqan, hadana waxaa la sheegayaa in arrimaha Koofur Galbeed aanu ku aragti aheyn sida dowladda Federaalka wax u wado.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxtooyada ayaa taageersan Musharax ka mid ah kuwa xilligan u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana dhowaan Muqdisho la keenay Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed oo la dejiyay Hotelada qaar, kuwaasoo la sheegay in laga dhaadhiciyay inay doortaan Musharaxa ay dowladda wadato.