Kismaayo: Fahfaahin ka soo baxeyso Xaalada deegaanka iyo 11 askari oo ku lug laheyd iska hor imaadkii shalay oo la qabtay

0
204

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, kaddib iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay gelinkii dambe dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ku lug lahaa is rasaaseynta gacanta lagu dhigay, isla markaana ay yihiin Maxkamad Sugayaal.

Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxahan oo gaarayay 11 ruux ay ahaayeen kuwo qalqal gelinayay ammaanka Kismaayo, sidoo kalena ay dileen Nabadoon caan ah oo ku howlanaa xal u helida xaalada ka jirtay magaalada.

Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Nabadoonka ku howlanaa xalinta xiisadii taagneyd ayaa ku geeriyooday, halka askari kale uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Jubbaland ayaa guri ay ku sugnaayeen Ciidamada gadoodsanaa ku duqeeyay, waxaana shalay xaalada magaalada Kismaayo ay noqotay mid qalqal iyo cabsi ku reebtay dadka deegaanka, markii ay maqleen madaafiic.