Kenya Oo Fasaxday Duulimaadyadii Rakaab Ee Shaqeynayay Nairobi & Muqdisho

0
211

Muqdisho (INO) — Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u fasaxday Dulimaadyada Diyaaradaha isaga kala gooashi jiray Magaalooyinka Muqdisho & Nairobi, kadib 5 Maalmood oo Xayiraad ah.

Teaser Image Kenya oo fasaxday Duulimaadyadii Rakaab ee shaqeynayay Nairobi & Muqdisho

Sababaha loo fasaxay Dulimaadyada Rakaabka, ayaa lagu sheegay inay Shirkadaha sida Gaarka ah loo leeyahay ee Diyaaradaha ka shaqeeya Labada dalka ay buuxiyaan Shuruudo la duldhigay Shaqadooda.

Laanta Hawada & Socdaalka Kenya ayaa dul dhigtay Diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya inay kordhiystaan Ruqsadda (License) ay uga shaqeeyaan dalkaasi, iyadoo taasina lagu micneeyay in lagu adkaynayo Nabadgelyda Kenya.

Shirkadaha Daallo & Jubba, iyo African Airways ayaa Maanta Muqdisho kasoo qaaday Rakaab badan oo Mudooyinkii danbe ku xayirnaa Caasimadda, waxaana sidoo kale la dilaya inay Maalmaha soo socda soo qaadaan dad kale oo Nairobi ku sugayay.

Kenya ayaa ogoleyd oo kaliya inay Diyaaradaha Khaadka oo kaliya Soomaaliya aadaan, kana imaadaan iyadoo taasi kka eegaysa danteeda dhaqaale, maadaama Malaayiin doolar Sanad walba kasoo galo Maandooriyaha ay geeyaan Soomaaliya.

Idale News Online – Nairobi, Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here