Galkacyo (INO)— Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Puntland iney dhowraan hishiiskii magaalada Gaalkacyo ee lagu dhameynayay dagaaladii magaalada ka dhacay.
Mr Keating, wuxuu sheegay in madaxda labada maamul ay balanqaadeen iney dhowrayaan hishiiskii magaalada lagu gaaray, isagoo sheegay iney muhiim tahay ka dhabeynta balanqaadyada ay sameeyeen.
Labada Madaxweyne ayuu ugu baaqay ineysan markale magaalada kusoo laaban dagaaladii dhacay, ayna ku dadaalaan sidii dagaaladaasi markale looga baaqdan lahaa.
“Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in labada Maamul lagula xisaabtami doono waxyeelada ka dhalatay dagaalada muddada ku dhow afarta isbuuc ka socday magaalada Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay.
“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta” Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.
Labada madaxweyne ayaa hishiis kale ku gaaray magaalada Gaalkacyo, kadib dagaal muddo maalmo ah qaatay oo ka dhacay Galbeedka magaalada Gaalkacy