JILIB: FAAH FAAHIN WEERAR LAGU DILEY WAALIGA ALSHAAB EE JILIB.

0
35

Wararka naga soo gaaraya Degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo dhaca Koonfurta soomaaliya ayaa sheeegaya Duqeymo lagu diley Amiiro katirsan Dagaal yahanada Alshabaab.

Duqeyn xooggan oo kadhacdey Degmada Jilib ayaa lagu soo waramayaa in lagu Diley Waaligii Degmada Jilib Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil katirsan Alshabaab.

Weerarka ayaa dhacey Xilli masuuliyiinta kujireen Shir Xasaasi ah oo loogu arinsanayey xaaladaha Amni ee Gobolka Jubada Dhexe sida ay sheegayaan saraakiil katirsan Sirdoonka soomaaliya.

saraakiisha oo kagaabsadey magacooda ayaa sheegey in ay khaarijiyeen 12 sarkaal iyo waaligii degmada Jilib oo goob kuwada sugnaa, waxaana uu intaa kudarey in howlgalku fuliyeen kamaadoonka soomaaliya oo kaashanayey mid kamid ah saaciibada soomaaliya.

Gobolka Jubada hoosana Degmada Jamaame ayaa lagu soo waramayaa in la duqeeyey xaruun ciidamada Jabhada Alshabaab Guuto katirsan Ciidanka Bada Xarakada.

Diyaarad Jawi hoose ku socotey ayaa lasheegey duqeyn xoogan ka geysatey Degmada diyaaradaas oo kasoo kacdey dhanka bada.

Xiriiro aan lasameyney dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa kudhowaad 6 gantaal lala beegsanayey xaruunta Dagaal yahanada alshabaab.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qasaare xoogan soo gaarey xaruunta laduqeeyey oo xilligaas kusugnaayeen 160 Dagaal yahan waxaana larumeysan yahay in qasaare laxaadle kasoo gaarey duqeynta sida ay sheeegeen qaar kamid ah saraakiisha amniga soomaaliya.