Isku aadka wareega 8-da Champions League oo la sameeyay Juventus iyo Bayern Munich oo isku aaday

0
160

Waxaa goor dhow lagu sameeyay magaalada Nyon ee dalka Switzerland isku aadka wareega 8-da ee koobka Champions League, oo ay isugu soo hareen sideed kooxood.

Koobkan oo Finalkiisa lagu marti gelinayo Garoonka Wembley ayaa waxaa sideeda kooxood ay isugu aadeen si aan la fileyn, waxaana qoorta la isku galay kooxo wacdaro ka soo dhigay ciyaarihii u dambeeyay.

Bayern Munich oo sanadkan aad car car u tahay iyo kooxda kale ee aan ka liidan Juventus ayaa qoorta isu geli doona ciyaara wareega 8-da.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa ka hortagi doona kooxda Paris Saint German ee reer Faransa, taasoo iyana ka dhex muuqatay horyaalka Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa ka hortageysa kooxda Galatasaraay ee dalka Turkiga oo xilli ciyaareedkan ay soo iibsatay ciyaaryahan Drogba iyo Sneider oo horay ugu ciyaari jiray Real Madrid.

Waxaa kaloo ciyaar xiiso leh ay dhex mari doontaa kooxda Malaga ee reer Spain iyo kooxda reer Jarmal ee Brossia Dortmund.

Hadaba kooxahan sideeda ah ayaa waxay saddex ka mid ah ka socdaan dalka Spain, labo dalka Jarmalka, halka saddexda kale ay ka kala socdaan dalalka Talyaaniga, Turkiga iyo Faransiiska, waxaana wareega sideeda sanadkan ka maqan kooxihii Ingiriiska ee mar walba soo xaadiri jiray, iyadoo ay tahay markii u horeysay oo ay muddo 17-sano ka harin wareegan.

Idale News Muqdisho