Ilaa afar askari ka tirsan Ciidamada Milateriga oo meydadkooda lagu arkay degmada Dayniile

0
184

Ilaa afar askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Dayniile, iyadoo markii la dilayay askartan ay ahaayeen kuwo aan hubeysneyn Labo ka tirsan askarta ayaa shalay gelinkii dambe lagu arkay agagaarka Wasaaradii Gaashaandhiga, iyagoo labisnaa dareyska ciidamada oo aan wax hub ah wadan ayaa rag bastoolado ku hubeysan ay ku dileen inta u dhaxeysa Kulyadii jaalle Siyaad iyo Wasaaradii gaashaandhiga. Goob joogayaal ayaa sheegay in askarta ay toogteen ilaa saddex ruux, iyagoo goobta ka baxsaday, waxaana xilliga la tooganayay ay lugeynayay wadada warshadaha, xilligaas oo ay ku soo baxeen ragan bastooladaha ku hubeysan. Sidoo kale xalay ayaa iyana labo kale oo askari lagu dilay agagaarka ceel Tusbaxle, kuwaasoo saakay meydadkooda lagu arkay, waxaana dil wadareedkan uu noqonayaa kuwii u horeeyay oo askar intaa la eg lagu dilo degmada Dayniile. Askartan ayaa ka mid ahaa ciidamo horay loogu soo tababaray dalka Uganda, kuwaasoo ku xareysnaa Wasaarada Gaashaandhiga, iyadoo ciidankan ay ahaayeen kuwii u dambeeyay ee tababarka loogu soo xiray dalka Uganda. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada milateriga, iyagoo ka gaabsaday inay wax faah faahin ah ka bixiyaan dilalka loo geystay askartan.

Idale News Mogadishu.