Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa 10-ruux ay u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka, iyadoo tiro sodon ka badan ay u ildaran yihiin.
Isbitaalka magaalada Beledweyn oo la dhigay dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa la sheegay inay ka jirto dawo la’aan.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyn Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ay isugu jiraan caruur iyo dad waa weyn.
Agaasimaha isbitaalka ayaa ugu baaqay hey’adaha caafimaadka inay daawo la soo gaaraan, isla markaana aan Isbitaalka xilligan oolin daawooyin ku filan.
Xaalada dadka uu soo ritay shuban biyood ayaa aad u liidato, iyadoo muddo labo bilood ka hor ay joojisay howlihii isbitaalka ka heysay Hey’adda MSF.
Xilligan Kuleylaha ayaa qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa ka dilaaca cudurka shuban biyoodka oo ka dhasha nadaafad darada.