Howlgal dadka lagu qab-qabanayo oo saaka ka soconaya Afgooye.

0
158

Howgalladan oo ahaa kuwa maalmihii dambe ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka wadeen degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ka qeyb qaadanaya howlgalka ciidanka nabad sugidda iyo kuwa Booliska ee degmadaasi iyadoo howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga oo xaafadaha lagu baarayo.

Ciidamada ayaa gudaha u galaya xaafadaha degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose si ay u sugaan amniga degmadaasi.

Xaafadaha degmada waxaa la soo sheegayaa in dhallinyarada laga soo qab-qabanayo oo ay ciidamada su’aalo weydiinayaan qaarkoodna ay xarig u geysanayaan.

Afgooye-

Idale News Online, Af-gooye