Heshiis qabyo ah oo ay gaareen ergada Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo ku shiraaayo Adis Ababa

0
173

Qodobo aan si rasmi ah loo shaacin ayey Dowlada Dhexe ee Somalia iyo Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe si hordhac ah isula gaareen ka dib markii muddo 3 cisho uu shir ay garwadeen ka tahay dowlada Itoobiya uu halkaas isugu socday.
Qodobada ugu muhiinsan ee heshiiska ay labada dhinac si hordhac ah isula garteen ayaa waxaa ka mid ah:

1. In Dowladda Soomaaliya ay si buuxda u aqoonsatay natiijadii shirkii Kismaayo oo ah Dowlad Goboleedka Jubba Land.

2. In magaca maamulku noqdo Jubba Land State of Somalia.

3. In Dowladdu goobjoog ka ahaato dhamaystirka qaybaha harsan ee maamulka.

4. In Madaxweynaha Jubba Land iyo Kuxigeenkiisa lagu soo doortay waddo sharci ah.

5. In maamulka Jubba Land uu Dowladda dhexe ka helo dhamaan xuqaaqaha uu siinaayo dastuurka dalka.

6. In Dowladda dhexe ay maamulka Jubba Land ka hesho xuquuqaha uu dastuurku u banaynaayo.

Waxii ku soo kordha heshiiska Labada dhinaca ugu socda Addis Ababa kala soco warkeena dambe
adis4

Idale News Onlinene