Heshiis halis ku ah Somalia oo ay wada saxiixdeen Qatar & Dowladda Federaalka ah

0
638

Taliye kuxigeenkii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Cusmaan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay akhbaar aanay dad badani fahamsaneyn isagoo ka digay heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qatar, kaasoo ku saabsanaa isticmaalka dhanka dayax gacmeedka Isgaarsiinta, isagoo ka dhawaajiyay in Qatar ay isticmaaleyso dayax gacmeedka wax basaasa.

Mr Ismaaciil Cusmaan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay shacabka la wadaagto heshiiska ay la saxiixatay ee ah in la wada isticmaalo dayax gacmeedka dhanka Isgaarsiinta.

Dowladda Qatar ayaa isticmaasha Turkey’s Gokturk-1 Reconnaissance Satellite, kaasoo loogu talagalay in ay ku basaasaan dalalka deriska la ah, Soomaalia maanta laga saxiixay in dayax-gacmeedka wax basaasa ay Qatar ka isticmaali karto gudaha Soomaaliya, kaasoo keeni doono mishaakil hor leh iyo dhibaato Somalia uga timaado dagaal Joqraafiyeedka geeska Africa ka socda (Geo-Ploitical War within the Horn of Africa)” ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay leedahay shirkad lagu magacaabo Es’hailSat’s Communication, kaasoo looga faa’iideysanayo wadamada Bariga Dhexe ay u heli lahaayeen adeegyada dayax gacmeedyada laser ku salaysan ee xawaaraha dheer (High Speed Internet).

Dowladda Soomaaliya ma waxay saxiixday in Qatar ay isticmaasho Spy Satellite Gokturk-1? Haddaan arrintan maanta lakala caddeyn waxay Soomaaliyaa geli doontaa weji cusub oo berri keena in Soomaaliyaa ay noqoto goob dagaal oo ay ku hardamaan wadamada Khaliijka oo la kala safan Ruushka, Mareykanka, Iran, Turkey, Ingiriis iyo China”ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan.

Waxaa uu soo jeediyay inuu kula talinayo qof walba oo daneynaya inuu sameeyo daraasad si uu wax uga ogaato khatarta nagu soo fool leh.

“Ma aha mucaarad iyo muxaafid doodeyda, balse waxaan arkaa mishaakil aanan maanta diyaar u ahayn oo aqoon darro haysa madaxda dalka ay nagu hagayaan. Inta aanan gelin god siyaasadeed ay adkaan doonta sida looga soo baxo, waxaan haysanaa fursad aan maanta uga hortagi karno ama ay dowladda nagula hadli karto isla markaana nala wadaago waxa ay soo saxiixeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliya aanay xilligan maamulin Isgaarsiinta dalka, isla markaana adeegyadaas ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay.