Henry Bellingham, Wasiirka Afrika Ee dowladda Ingiriiska oo aad u dhoweeyey warbixintii Monitoring group ee Somalia

0
231

Wasiirka arrimaha Afrika ee Birtain, Henry Bellingham ayaa soo dhaweeyay warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ay kasoo saareen Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida looga qabo in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daah-furnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meel-gaarnimada lagu soo gebagebeeyo waqtigii loogu talo-galay.
Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxay bishan soo saareen warbixin ku eedeynasa madaxda dowladda KMG ah inay lunsadeen hanti badan oo loogu deeqay shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in dhammaadkan July uu goluhu go’aan ka gaaro arrintan.
“Waan soo dhaweynayaa warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea. Caddeymaha ay ururiyeen kooxdu waa kuwo faahfaahsan oo si wanaagsan cilmi-baaris loogu sameeyey,” ayuu yiri Bellingham oo ka hadlaya xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo-sooranka.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu muujiyay sida uu uga walwalsan yahay qaar ka mid ah waxyaabaha warbixintu soo ogaatay; isagoo sheegay inay ku dadaali doonaan inay sii baaraan arrimahaas. Wuxuuna sheegay inay dhibaato weyn tahay caddeymaha tilmaamaya in si xun loo maamulay maaliyaddii loogu talogalay Soomaaliya.
“Tani waan mid na xusuusinaysa dhibaatooyinka ka dhashay in Soomaaliya aanay ka jirin maamul hufan. Inta aan indhaha ku hayno marxaladda innagu soo fool leh ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa in bulshada caalamku ay kordhisaa dadaallada wax looga qabanayo musuq-maasuqa laguna hubinayo in maaliyadda loogu talo-galay dadka Soomaaliyeed ay helaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka walaacsan tahay warbixintan. Waana middan tan aan la-hawlgalayaasheenna Soomaalida iyo kuwa caalamiga ugala shaqeynaynay soo-jeedin ku saabsan dhisidda guddi wadajir u maamula maaliyadda Soomaaliya.
Guddiga wadajirka ah ee maamulka maaliyadda wuxuu dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayasheeda awood u siinayaa inay muujiyaan in lacagta ay dowladdu helayso loo isticmaalo danta dadweynaha; lana ogaado in lagu xisaabtamayo.
Warbixin uu wasiirku soo saaray ayuu ku sheeagy in tani ay kordhinayso aaminka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya, dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka iyadoo kordhineysa daah-furnaanta maaliyadeed oo yareynaysa in fursad loo helo musuq-musaaq.
“Warbixinta kooxda la-socodka waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsiyo badan loo hirgeliyo guddigan, waxaana aan ku faraxsan-nahay in muhiimadda ay arrintan leedahay mar kale uu carrabka ku adkeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo maanta si wadajir ah u oggolaadey qaraarka lambarkiisu yahay 2060 ee ku saabsan Soomaaliya iyo Eritrea,” ayuu yiri Henry Bellingham.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha Afrika ee Britain wuxuu soo dhaweeyay shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo shalay oo Arbaco ahayd ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah geeddi-socodka lagu soo gabgabeynayo xilliga KMG ah.

 

Idale News Online “INO”