Ghana Iyo Mali Oo Maanta Isku Dhegan, Halka DR Congo Iyo Niger Ay Balansan Yihiin Koobka Qaramada Afrika.

0
198

Xulka afarta jeer ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika iyo xulka Mali ayaa isku dhici doona mar kale wareega group-yada ka dib markii labada xul ay ku kulmeen Group D 2012 Afcon.

Xulka Ghana ayaa cadaadis ugu jira inay ka badiyaan Mali kulanka maanta ka dib markii ay barbaro galeen kulankoodii ugu horeysay ee group-ka. Ghana ayaa hogaan ay 2-0 ku heysay iska qasaarisay islamarkaana barbaro 2-2 ah kala kulantay DR Congo. Laakiin xulka Mali ayaa u dagaalamay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Niger iyagoo haatan hogaanka u hayo Group B.

Waa markii seddexaad oo ay kulmi doonaan labadan xul 12 bilood gudaheed. 2012 Afcon waxa ay ku kulmeen wareega group-yada, iyo sidoo kale kulankii kaalinta 3aad.

Markii ugu danbeysay ee Ghana ay ku guuleysato koobka Qaramada Afrika waxa ay aheyd 1982dii, halka Mali aysan waligood qaadin balse ay final gaartay 1972dii.

Mali ayaa markii sideedaad ka soo muuqaneysa koobkan, halka Ghana ay u tahay markii 19aad ee ay ciyaaraan koobka qaramada Afrika.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

GHANA
Angola
Dauda
Paintsil, Vorsah, Boye, Asamoah
Annan, Badu
Adomah, Atsu, Wakaso
Gyan

MALI

Morocco
Samassa
Diawara, Tamboura, Wague, N’Diaye
C. Diarra, Keita, K. Traore
M. Traore, S. Diarra, Diabate

Dhan kale kulanka kale ee Group B waxaa qoorta isagu jira DR Congo iyo Niger, iyadoo Congo ay raadineyso guusheedii ugu horeysay ee koobkaan marka ay Niger maanta kula kulmaan Nelson Mandela Bay Sports Stadium.

Labada kooxood waligood ma aysan kulmin, kulankaan Group B ayaana balanqaadaya ciyaar xiiso leh, madaama xul waliba uu doonayo dhibcaha buuxda si ay ugu dhawaadaan wareega xiga.

Iyadoo Congo ay ku dhegtay, islamarkaana Niger ay si wacan u dagaalantay kulankii ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Mali waxaa la filayaa kulan xiiso badan inuu dhexmaro labadan kooxood.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

NIGER
Angola
Daouda
Fatoukouma, Dankowa, Chikoto, Koudize
Issoufou, Moutari, Lacina, Boubacar
Maazou, Sidibe
 

DR CONGO
Morocco
Kidiaba
Mpeko, Kasusula, Mabiala, Mongungou
Mulumbu, Kabangu, Makiadi
Mbokani, Mputu, Lualua

Idale News Muqdisho