Gaarigii Magaalada Nairobi Lagu Qarxiyay Oo La Sheegey In Ninka Waday Uu Ahaa Ciyaaryahan.

0
153

Boolis ayaa war ka soo saarey waxaana lagu sheegay in ruux hadda la tuhunsan yahay magaciisa la yiraahdo Cabdul Haajara ayaa ka tirsanaa koox kubbada cagta cayaarta oo ka dhisan degaanka la yiraahdo Majengo ee dalka Kenya.

Ninka lagu magacaabo Cabdul Haajara ayaa gurigiisa laga waayay sanadkii 2010 waxaa ehelkiisu u sheegeen warbaahinta dalka Kenya inay tuhmeen inuu inta Soomaaliya soo aaday uu ku biiray Xarakadda Al-Shabab.

Ogeyga dhalay Cabdul Haajara ayaa u sheegay wargeyska The Standard ee Nairobi kasoo baxa in wiilkiisa ugu war dambeysay sanadkii 2010 mar uu shahaadada Bach,ka ka qaaday jaamacadda.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaya in Cabdul Haajara uu ahaa ruuxa waday gaarigii maalmo ku qarxay saldhig boolis oo ku yaala xaafadda Pangani ee Nairobi kaasoo dhaliyay khasaaro nafeed.

Isku soo wada duub Tiro badan oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa la aaminsan yahay inay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabab.

Idale News Online.