Francesca Mosca iyo Madaxwyane Faroole oo kulmay Magaalada Garoowe

0
178

Wafdi ka socda midowga Yurub oo ay hogaamineyso agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub, Francesca Mosca, uuna qeyb ka ahaa safiirka Soomaaliya ee midawga Yurub ayaa maanta Kulan Magaalada Garowe kula qaatay madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud (Faroole).

Cadbi Raxmaan faroole, madaxweynaha maamulka Puntland iyo Francesca Mosca ayaa waxa ay kualanka muhiim ahaa uga wada hadleen waxyaaba ay kamid ahaayeen sii anba qaadida howlada nabadeynta dalka iyo dhinacya kale oo fara badan

Faroole oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdigaan gaaray Garoowe waxaan uu soo dhaweyay waxyaabahihi ay kawda hadleen oo uu ku sheegay kuwa dhaqan geli kara.

Francesca Mosca, Agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee Midowga Yurub, Francesca Mosca ayaa ka sheegtay kulanka in Puntland ay tahay meelaha ugu muhiimsan Midowga Yurub ayna taagero ka siiyaan kaabayaasha dhaqaalaha, deegaanka ,waxbarshada iyo geedi socodka dimoqoraadiyada.

Idale News Muqdisho