Finland o Shaacisay in ay Hakisay Codsiyada Muhaajiriinta kasoo jeeda Soomaaliya iyo Ciraaq

0
196

Muqdisho(INO) — Xukuumadda Finland ayaa Shaacisay inay Hakisay Codsiyada Magan-galyo doonka Mujaahidiinta kasoo jeeda Soomaaliya iyo Ciyaar, kaddib markii ay sheegeen in dadka kasoo jeeda Waddamadan ay ku Marmar-siyoodaan sheegtaan dhibaatooyin ka jira dalalkooda.

Mas’uuliyiinta Xafiiska Socdaalka dalka Finland ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay Wax ka bedeleen Hab-raacii Dadka Magan-galyo Doonka ah ee ka soo jeeda Somalia iyo Ciraaq; kadib Qiimeyn Xafiisku uu sameeyay.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka Finland ayaa xusay in sababta ay go’aankan u qaateen ay tahay tirada magan-galyo doonka ka imaanaya dalalka Somalia iyo Ciraaq ay aad u kordheen, iyaguna ay go’aansadeen inay dib u eegis ku sameeyaan codsiyadooda.

“”Tallaabadani waa mid la mid ah kuwo ay horay u qaateen dalalka Yurub qaar ka mid ah; waayo waxaan ognahay in Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Ciraaq iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo nabadoon oo lagu noolaan karo,” ayay waaxdu ku sheegtay qoraal ay soo saartay

Waaxda Socdaalka Finish-ka ayaa intaas ku dartay in ay Dib u eegis ku Sameyn Doonaan dadka Magan-galyo doonka ah ee ka yimaada goobaha khatarta ah ee ka tirsan Soomaaliya iyo Ciraaq.

Go’aankan lagu Hakiyay Codsiyada dadka Magan-galyo Doonka ah ee Somalia iyo Ciraaq ka imaanaya uu socon doono toddobaadyo ah; ayna waaxdu hubinayso codsiyada muhaaji-riinta ka imaanaya labadaan waddan.

Xukuumadda Finland ayaa sheegtay in tan iyo Bartamihii Bishaan September ay Dalkeeda soo galeen dad badan oo Magan-galyo doon ah, kuwaasoo Qaarkood kasoo gudbay Xadka uu dalkaas la leeyahay Finland.

“Finland Waxaa Sannadkan soo galay in ka badan 17,000 oo Qof oo magan-galyo doon ah, tiradaasoo aad uga badan magan-galyo doonkii soo galay dalka Finland 2014-kii kuwaasoo gaarayay 3,650-qof,” ayaa lagu sheegay warbixinta dowladda Finland.

Ugu dambeyn, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa Warbixin ay soo Saartay ku sheegtay in Nus-malyuun qoxooti ah ay 2015-ka gaareen Dalalka Yurub, waxaana Qayb ka ah Muhaajiriintaasi kuwo Soomaali ah.

 Idale News Online, Muqdisho

Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here