Faah-faahin Dheeraad Ah: Diyaarado weeraray Jilib

0
178

Dad goob joogayaal ah ayaa wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhue u sheegay inay arkeen bombaanooyin ku dhacaya Jilib iyo jidadka magaalada aada.

Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe waxay ka mid tahay meelaha ay Al Shabaab ay maamulaan.

Howlgalo milatari, oo ay bishii Maarso ay ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda ay ku qaadeen Alshabaab ayaa looga saaraay Alshabaab magaalooyin badan.

Ma jirto ilaa hadda faah-faahin laga helaayo diyaaradaha weeraray Jilib, waxaana la lee yahay diyaaradahaas waxaa is kaleh Kenya oo ciidankooda ay ka mid yihiin AMISOM.

Dhowr jeer ayey diyaaradaha Kenya weerareen deeganno ay ku sugnaayeen Shabaab oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

diyaarad

Idale News Online.