Faah Faahin: Dagaal labo maalin ka socday Gobolka Bakool

0
54

Xudur ( INO)-Deegaanka Mooro  Gaabeey waxa uu 45 km dhanka Galbeed kaga beegan yahay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay Dagaal Khasaaro geystay oo u dhexeeyay Xarakada Al Shabaab  iyo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Maxamed Macallin oo Guddoomiyaha Degmada Xudur  ayaa Warbaahinta uga warbixiyay Dagaaladaasi isagoona xusay in Dagaalka labadii Maalin ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Mooro Gaabeey uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahaan ka dhaca Gobolka Bakool.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in 8 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowadda ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi halka 9 kale la sheegay  inay ka dhinteen Xarakada Al Shabaab kuwaas oo Guddoomiyuhu sheegay in uu ka mid ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu Guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in Asartaasi dhaawacantay lagu daabulay Diyaarad loona qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Gobolka Bakool ay yihiin Saanad la’aan isagoo ku eedeeyay maamulka Koofur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dayaceen Ciidamadaasi sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisado dagaal laga soo sheegayay in ay ka oogan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.