Ergayga QM ee Somalia Oo Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Muqdisho Ka Dhacay

0
230

Muqdisho(INO) – Ergayga Qaramada Midoobay ee arimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lala beegsaday wafdiga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ka dhacay, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed, mas’uuliyaddiisana ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Nicholas_Kay_Koonfur-Africa (3)

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow 10-qof oo isugu jiray askar iyo shacab goobta ku sugnaa, kaasoo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, wuxuuna ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii maanta lala beegsaday wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo howlo lagu caawinayo Soomaaliya ka waday Muqdisho,” ayuu danjire Kay ku yiri warbixin uu soo saaray, isagoo intaas ku daray. “Weerarkan waa mid lagu beegsanayay wufuudda beesha caalamka ee ka shaqeynaya dib u dhiska Soomaaliya, balse argagaxisadu kuma guuleysan doonaan ujeeddooyinkooda.”

Danjire Kay, ayaa wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu dilay weerarkaas iyo kuwii ku dhaawacmay, isagoo sidoo kalena weerarkaas uga tacsiyeeyay xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa xusay inay sii wadayaan sidii ay dalalka Gobolka oo dhan uga taageeri lahayd la dagaalanka argagaxisada, si ammaanka dalka Soomaaliya iyo kan Gobolkaba loo adkeyn lahaa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here