Duqeyn Culus oo Ku Socoto Magaalada Istiraatiijiga ahe Faluuja ee Dalka Ciraaq

0
183

Magaalada Falluuja oo olele dagaal oo ballaaran ay kusoo qaadeen Ciidamada Shiicada ee Nuuri Al-Maaliki ayaa waxay la kulmeysaa duqeymo joogta ah,kuwaas oo ay geysanayaan Ciidamada Nuuri Al-Maaliki. Duqeymo billowday Xalay fiitkii ayaa soo gaarey illaa Waaberigii Saaka,waxaana jira dad badan oo ku dhintay Duqeymahaas.

Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Mid kamid ah Dhakhaatiirta Cisbitaalka Falluuja,waxaa Duqeymahan Xalay illaa Saaka soo gaarey ku dhintay 11 Ruux oo 8 kamid ah ay Hal Qoys ahaayeen.

Duqeymaha ayaa si aad ah ugu sii kordhaya Magaalada Falluuja,waxaana Ciidamada Shiicada u suurta gali la’ iney la wareegaan Magaalada. Dagaaladii ay soo qaadeen Dhawaanahan ayaa lagu jabiyey,iyadoonna Boqollaal kamid ah lagu diley dagaalka soconaaya.

iraq_fallujah

Idale News Online.