Dowladda oo sheegtay in Degmo Shabaab laga qabsado dib aysan uqabsan doonin dagaalka cusub.

0
199

Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda uga degsan deeganada Shabaab laga qabsado xilli Dowladda ay aad u hadalhayso dagaalo ka dhan ah Xoogaga Shabaab oo lagu qaadayo meelaha ay dalka ka joogaan.

Wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya wuxuu ku sheegay in deegaan waliba oo Gobalada dalka Soomaaliya ka tirsan oo ay la wareegaan ciidamada Dowladda Soomaaliya, Dowlada ay udejisay qorshooyin.

Wuxuu sheegay in marka laga qabsado Shabaab Degmooyinka Gobalada qorshaha uu yahay labada isbuuc ee soo horeysa in deegaankaasi ay maamulaan ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya, kadibna Dowladda ay la wareegto maamulka goobtaasi.

Waxa kale oo uu sheegay inaysan jiri doonin hada kadib ama aysan dhici doonin deegaan Shabaab laga qabsaday oo hadana ay dib uqabsadaan, waxaana wasiirka uu meesha ka saaray in arimihii hore la isagala soo tagay oo hada Dowladda qorshe weyn oo laga baaraan dagay ay dejisay.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu Shabaab ku tilmaamay inay yihiin cadoowga umadda Soomaaliyeed culeesna ku haaya dadka shacabka ah, sidaasi awgeedna culeeska ay dadka ku haayaan Dowladda.

Goodax-Barre
Idale News Online, Muqdisho.