Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay Somalia ka Caawinayso Dib u dhiska Ciidamada Millateriga

0
312

Addis(INO) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka taageerayso xukuumadda Somalia sidii dib loogu dhisi lahaa Awoodda ciidanka Millateriga si ay u Suuro-gasho inay sugaan Amaanka iyo degenaashaha dalkooda.

Hadalkan ayuu RW Itoobiya ka sheegay Shir uu magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kula yeeshay RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku jooga Waddankaas.

Sidoo kale Hailemariam ayaa xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay ka caawiso Somalia wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo weliba ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.

“Inkastoo ciidamadeena qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ee Somalia, ay ka shaqeeyeen sidii Ammaanka loo xoojin lahaa, haddana waxaa laga maar-maan ah in la dhiso ciidamada Somalia si ay amniga Waddankooda u xaqiijiyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray RW Itoobiya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Itoobiya kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka Al-shabaab oo ah koox xiriir la leh Urur-weynaha Al-Qaacida.

“Dowladda Itoobiya waxay gacan ka geysanaysaa sidii Somalia ay u xasili lahayd, waana mid aan ku ammanayno kaalintooda muuqata,” ayuu intaas ku daray RW Sharma’arke.

Ugu dambeyntii, Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Somalia Ciidammo Tiradoodu Gaarayso 4,900 oo askari oo qayb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee kula jira dagaalka xoogagga Al-shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.