Dowlada Mareykanka Oo ka Hadashay Duqeyn Ay ka Geysteen Gobolka Bay

0
96

Washington[INO]-Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay inay qaaday duqeymo ka dhan ah sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan aqalka Pentagon-ka ee Mareykanka oo intaa ku daray haddii geerida sarkaalkaasi xaqiiqowdo ka dhigan tahay dhabar jab Alshabaab ku dhacay, sida warka lagu sheegay.

American-Flag
Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca ee Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in duqeyntaasi ay la eegteen madaxii Alshabaab ee howlgalka dibada iyo qorsheynta sirdoonka iyo amaanka oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Deeq.
Hadda halkaan kama xaqiijin karo natiijada duqeynta, laakiin haddii lagu guuleysto, waxay tani noqoneysaa dhabar jab kale oo Alshabaab soo wajahay, bartilmaameydka wuxuu ahaa Yuusuf oo u qaabilsan howlgalka Dibadaā€¯ayuu yiri Mr Kirby.
Wuxuu intaasi ku daray in dowlada Mareykanka aysan aaminsaneyn in dad rayid ah duqeyntaasi ay ku dhinteen oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Alshabaab ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay duqeyn cirka ah ku waayay hogaamiyahoodii Sheikh Muqtaar Abuu Zubeyr, kadib markii Mareykanka ay sheegteen duqeyntaasi.
29-kii December sidoo kale sarkaal kale oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa duqeyn uu Mareykanka fuliyay lagu dilay, sida dowlada Mareykanka ay sheegatay.
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab oo ay kaga hadlayaan duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose iyo gobolka Bay.
Idale News Online, Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here