Dowlada Kenya oo ku faantay weerarkii Adan Garaare Ee Gedo

0
188

Nairobi(INO)-Sirdoonka dowlada Kenya ayaa sheegay in xogo badan ay is dhaafsadeen sirdoonka dowlada Mareykanka ka hor inta duqen aan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab, sida lagu baahiyay wargeyska Daily News.

Duqeyntaasi ayaa lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsanaa lagu magacaabo Aadan Garaar, kaasi oo dowlada Kenya aaminsan tahay inuu lug ku lahaa weerarkii bishii Septembar 2013 lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate.

Aadan Garaar ayaa lagu dilay kadib duqeyn ka dhacay meel ku dhow Baardheere ee gobolka Gedo, duqeyntaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Duqeynaytaasi ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in lagu dilay labo kamid ah caawiyeyaashiisa kuwaasi oo duqeynta ku haleeshay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay iney kaalin weyn ku laheyd dhanka sirdoonka duqeynta lagu dilay sarkaalkaasi, oo dowlada Kenya ka aamisan tahay iney ka dambeeyay weerarkii Westgate.

Idale News Online,Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here