Dowlada Kenya oo ka hadahay Khilaafka Dowlada dhexe iyo Maamul Gobaledyada

0
291

Afhayeenka Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si cad u muujiyey mawqifka dowladiisa ay ka qabto khilaafka Soomaalida u dhexeeya.

Ducaale oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira labada dowladood ee jaarka ah, oo ay ka mid ahaayeen amniga, khilaafka badda iyo xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Mar la weydiiyey sida uu u arka khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka iyo Maamul Gobolleedyada waxa uu Aadan Barre Ducaale sheegay in mabaa’diida dowladda Kenya ay ku dhisan tahay tahay in ay xushmeeyaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay in maadama uu yahay siyaasi Soomaali ah uu jecel yahay in Soomaalida is xalliyaan oo ay maamul gobolleedyada la shaqeeyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.