Moscow(INO)— Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa bilaabay in ay duqeeyaan mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweynaha dalka Siiriya kadib markii uu maanta ansixiyay baarlamaanka Ruushka in ciidamadooda ay howlgalo ka sameyn karaan wadamada dibadda.
Warka duqeynta ayaa waxaa shaaciyay dowlada Maraykanka oo saaka ka digtey in ciidamada Ruushku ay qorsheynayaan inay duqeeyaan dalka Siiriya.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday magaalada Galbedka Siiriya ee Homs, hase ahaatee lama shaacin wax qasaare ah oo ay geysteen. Dowlada Maraykanka iyo xulafadeeda ayaa ku adkeysanaya in Madaxweyne Assad uu talada ka dago halka huwanta taageerta Ruushkana ay ka soo horjeedaan in Assad uu xafiiska baneeyo.
Madaxweynah Siiriya Assad ayaa la rumeysan yahay in uu si rasmi ah uu ugaga codsaday dowlada Ruushka inay taageero Milatari siiso. Dagaal rayid ah ayaa ka socda dalka Siiriya muddo afar sano ah iyadoo kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay Dowlada Islaamiga ah ama IS ay la dagaalamayaan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Bashar al-Assad iyagoo doonaya in ay afgambiyaan,
Dad tiradoodu ka badan tahay 250,000 oo ruux ayaa ku dhimatay Hal malyan oo kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaaladan halka tiro ka badan 11 malyan ay ka carareen guryahooda waxaana haatan ku qulqulaya wadamo ku yaal qaarada Yurub dad ka qaxaya dagaalada mudada dheer sii socda ee dalka Siiriya.
Duqeynta ay haatanka bilaabeen dalka Siiriya ciidamada Ruushka ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo la isku mari waayay in siyaasad mideysan laga yeesho dalka Siiriya si halista ka iman karta ururka IS loogaga hortago.
Idale News Online, Mosow
Idalenewsonline@gmail.com