Dhageyso+Sawiro:Maxaa ka soo kordhay qaraxyadii cuslaa ee xalay gilgilay magaalada Muqdisho

0
155

Muqdisho(INO)— Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyadii cuslaa ee xalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa kuwo laga malqay duleedyada magaalada, waxaana khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas uu yahay mid aad u ballaaran.

Halkan Ka Dhageyso

Qaraxa hore oo ahaa gaari xamuul ah laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool ciidamada Nabadsugida ku lahaayeen agagaarka Taalada SYL

Bartilmaameedka qaraxan ayaa ahaa Hotelka SYL ee dacalka ku haya Taalada SYL, balse ciidamada ku sugnaa goobta ayaa gaariga joojiyay, balse isku dayay inuu xoog ku gudbo, iyadoo uu isla goobta ku qarxay.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ka hor-tageen weerarka, isla markaana gaarigii qaraxa laga soo buuxiyay ay u diideen inuu gudbo, isla markaana uu goobta ku qarxay.

“Abaarihii 8:45, gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ciidamada ay joojiyeen bar koontarool ay leeyihiin, waxaa uu isku qarxiyay agagaarka Hotelka, oo ay rabeen inay gidaarka jebiyaan, kadib ayaa kooxo kale oo baabuur wadatay oo damacsanaa inay hotelka galaan ayay ciidamada goobta ku toogteen”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in weerarkaas illaa iyo hada sideed ruux ay ku dhinteen, balse khasaaraha intaas ka badan karo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Nabadsugida ee gaariga joojiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo oo ku sugnaa xilliga qaraxa dhacayay Hotelka SYL, gaar ahaan Masaajid ay salaadii cishaha ku dukadeen ayuu tilmaamay in aanay jirin dabley gudaha u soo gashay hotelka, isla markaana ilaalada ay ka hortageen kooxo isku dayay oo lagu toogtay banaanka hotelka.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in qaraxan xalay uu ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana gaariga qaraxa geystay uu siday mid kiilaad badan oo waxyaabaha qarxa ahaa.

Halka Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday bur bur aad u xoogan, dhismayaal ku yaalay wadooyinka ayaa soo dumay, sidoo kale wadada laamiga ayuu god weyn ka qoday qaraxa, marka loo eego tanka uu ahaa.

Dad badan ayaa laga soo saaray gidaaro ku soo dumay hoostiis, waxaana ku jiray haween qaad iibiya iyo haweenka nadaafada ka shaqeeya.

Sidoo kale saameynta qaraxa ayaa waxay gaartay goobo ka fog fog halkii uu ka dhacay, iyadoo dhismayaal qaar iyo muraayado ay dumeen.

Qaraxyada ayaa saameyn ku yeeshay Beerta Nabadda oo ah goob loo dalxiis tago, iyadoo gaari ku hor qarxay agagaarka Beerta uu sababay bur bur soo gaaray gidaarka beertaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, isla markaana bartilmaameedka ahaa Hotelka SYL, waxaana weerarkan uu yahay kii labaad ee Hotelka la beegsadaan.

Halkan Ka Daawo Sawirada



 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here