Dhageyso+Sawiro:Abaarta Ka Jirta Gobolka Bakool Oo U Saameysey Ganacsiga Xoolah Nool

0
214

Xudur(INO)- Abaarta ka jirta Degaano Hoostaga Gobolka Bakool ayaa saamayn ku yeelatay Saylada Xoolaha ee Magaalada Xuddur .

Saameynta Abaarta ayaa waxa si weyn looga dareemey Suuqtada lagu kala iibsado Xoolaha Nool ee Degmooyinka Gobolka Bakool, gaar ahaan Suuqa weyn ee Magaalada Xuddur oo Ganacsato ka imaanaysa ilaa gobolada dhexe ay xoolo ka iibsanjireen.

Wariyaha Idale News Online Ee Gobolka Bakool ayaa Maanta Booqasho ku tagatey Salayda Xoolaha Nool lagu iibiyo ee magaalada Xudur ayaa ayaa arkey tiro aad u yar oo xoolo ah sida Geela iyo Ariga, halka Lo’da aan suuqba la keenay cid kaa iibinaysana aysanjirin, waxana halkaasi kula kulmay dadkii suuqaasi ka shaqeynayay, waxana weydiiyay sababta keentay in ay xoolaha ay raadaan iyo isbedelka ku yimid qiimaha xoolaha lagu kala iibsado.

Cabdinuur oo ka mid ah dalaalayda saylada magaalada xuddur wuxuu warfidiyeenka u sheegay in sababta ay tahay biyo la aanta ka jirta degaanada Gobolka Bakool.

Muuqaalka Xoolaha la keena Suuqa ayaa ah kuwo caato u ah oo laga dareemayo Abaarta ka jirta degaanada ay ku dhaqanyihiin, dadka Xoolo dhaqatada ah ayaa xoolaha keena suuqa si looga iibsado balse majirto cid ka iibsata waxana xoolahaasi dib loogu celiya heryahooda.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Maxamed Xasan C/raxamaan