Dhageyso+Sawiro: Xildhibaanad Fowziyo Maxamed Oo Ka Hadashey Guushii Doorashada,Hamigeeda iyo waxyaabaha ay Qaban Doonto

0
209

Baydhabo(INO)- Xildhibaanad Fowziyo Maxamed Sheekh oo dhawaan ku guuleysey Kursiga Aqalka Hoose Ee BFS 2016, ayaa Maanta waxay wareysi Gaar ah Siisey Shabakada wararka Idale News Online, Iyadoona ka hadashey qaabkii ay u dhacdey Doorashada , Hamiga iyo wax yaabaha ay dooneyso inay  u qabato Bulsahda Degaanadeeda.

Xildhibaanad Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa waxay sheegdey  inay faraxsan tahay Nidaamankan cusub ee is doorashada bulshada dhexdeeda ah  isla markaana waxay xustey in laga guurey nidaamkii hore iyadoona hoosta  xariiqdey in bulshada ay ka dhalatey ku doorteen waxqabadkii iyo hiilkii hore ee ay u sameeysey.

“ Runtii Meeshan Tartan ayaa ka dhacey,Waa markii ugu horeysey shacabka loo soo bandhigo qofkii rabaan inay doortaan, waagii hore odayga Annaga na soo qori jirey,  Laakin iminka waa markii ugu horeysey qof tolkiis ama reerkiisa soo dooro, kolleyba shacabkii waxay doorteen qofkii waxtarka ku laa Busahda ama wax soo tarey ama dareensan inay u qabanayaan, Runtii aad ayaan ugu faraxey, Sababtana waxa waaye , waxay ogaaayeen Waxtarkeeyga Bulsahda aan ka soojeedo, Sidaas ayey igu doorteen” ayey tiri Xildhibaanad Fowziyo oo ka mid ah Mudanayaasha Cusub ee  aqalka Hoose.

Iyadoona hadalkeeda sii wadato ayaa tilmaantey in soo bixtaankooda ay dhiirugalin u noqoneyso Guud ahaan Haweenka Soomaaliya gaar ahaan kuwo Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed, sido kale waxay xutey in haweenka kaalin Muhiim ah ka ciyaarayaan Horumarka iyo Geeda Socodka Nabada Soomaaliya.

“ Haweenka ayaa u badan shaqooyinka wadanka lagu qabto, dhiiragalin weyn way u noqotey Haweenka KGS iyo Kuwo Soomaaliyeed soo bixitaankeena, sababta oo ah rajadii aan lahayn mid ka sii fiican ayay haweenka yeelanayaan, anagoo rajeyneyno in haweenka siyaasada dalka si wanaagsan ugu qiib qaadan doonaan” ayey mar kale tiri.

Waxay si kooban u sharaxdey waxyaanaha ay qaban doono mudada ay hay doonto Jagadan Xildhibaanimada Ee BFS oo ku eg bartamaha  sanadka 2019.

“Dib u heshiis, Nabadeyn iyo Horumarka wadanka, waayo waxaa daliil u ah wadan kastoo oo dagaal sokeeye soo mara ugu dambeyn waxa ku guuleysta haweenka sidiin  nabad ugu dhalan lahaayeen, waxa ugu horeeyo oo aan qaban doono waxa waaye anigoo la kashaanayo Haweenka BFS, Nabadeynta iyo Horumarka Wadanka” ayey hadalkeeda raacisey Xildhibaanad Fowziyo Sheekh Maxamed.

Sidoo kale  waxay ka dhawaajisay ayna rajeysa in saamiga Haween 30% la sii kordhiyo sanadaha soo socoda isla maraakana uu gaaro 50% ,waxayna u tusaalle u soo qaadatey dalkii ugu cuslaa aduunka ee ka dhacay Xasuuq bini’aadanimo ee Rwadan, dib dagaalada ayaa waxay Haweenka  dalkaas ay ugu firfircoon yihiin Hay’adaha dowlada iyo Maamulka wadanka Rwadan.

Ugu Dambeyntii, Waxay haweenka Soomaaliyeed ugu baaqdey inay ka shaqeeyaan Midnimo, wada jir Siyaasadeed, nabadeynta iyo Horumarka dalka.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Wariye  Maxamed C/Casiis Salaad La Yeeshey Xildhibaanad Fowziyo Sheeekh

fowz4fowziyo-1fowziyo-2fowziyo-3

Wariye Maxamed C/casiis Salaad , Idale News Online, Xafiiska Baydhabo