Dhageyso+Sawiro: KGS Oo Ka Murugsan Hiyaanka Dadka Abaarta Saameysey Ee Gobolka Bay

0
162

Baydhabo(INO)- Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Baydhabo ayaa Maanta Kormeer ku tageen  Kaamam ay jiraan Boqolaal Qoys oo saameysey Abaarta Ku dhufatey Gobolka Bay, kuwaasoo dalbadey in loo Gurmado.

Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi,  Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Madoobe Nuunow Maxamed iyo  Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin ayaa Si wada jir ah Hay’adaha Samafalka iyo DFS ugu  Dalbadeen in loo soo Gurmado Dadka saameysey abaarta Daran.

Boqolaal Qoys oo ka soo hiyaamey Degaanada Gobolka BAY ayaa maalin weliba ku soo biiraya Xeryaha Barakacyaasha Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso