Dhageyso:Gudoomiyaha Xafiiska Xaquuqul Insaanka” Puntland 382 ayaa Cadaalad daro ku haysataa Xabsiyada Puntland”

0
373

Garowe(INO)- Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Madaxa-banaan ee Xaquuqul Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa ka hadlay Cadaalad daro ku dhacday 382 qof oo kasoo jeeda koonfurta iyo Puntland kuwaas oo ku xiran xabsiyada magaalooyinka waawayn ee Puntland.

Dhegayso Waraysiga Gudoomiyaha Xaquuqul Insaanka Puntland

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Madaxa-banaan ee Xaquuqul Aadanaha Puntland ayaa sheegay in xabsiyo ay booqdeen ay ku ogaadeen in dad badan lagu tacdiyay, isagoona intaas ku daray in arrimahaan ay yimaadaan xilutada hawlgaladu socdaan.

Waxaa uu intaas ku daray inay xogtaan ku heleen baaritaan rasmi ah oo maalmahaan ay wadeen, isagoona intaas ku daray in dadkaan dhibka ugu wayn ee haysta uu yahay in aan maxkamad lagu horgayn wakhtigii loogu talo galay kaas oo dhigaya 48 sacaadood in qofka cadaalada la horgeeyo.

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Madaxa-banaan ee Xaquuqul Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa si adag u cambaareeyay dilkii loo gaystay labo dhalinyaro ah oo maydkooda laga helay duleedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Idale News Online,Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here