Dhageyso:Gudoomiyaha Gobolka Bay” Go’aan Ka Gaara Hiigsiga Sanadka 2016”

0
176

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi LFC  oo maanta ka  Hadley shirka Hiigsiga Soomaaliya  oo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ka furey Magaalada Baydhabo ayaa sheegey inuu ahmiyad gaar ah uu leehay Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Dad weynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4

Gudoomiye C/rashiid ayaa tilmaamey in Soomaaliya Maanta ay joogto Xiligii ugu ficneyd, markii loo eego 25 sano ee la soo dhaafey xilligaaso uu sheegey in siyaasiyiinta Soomaaliyeed shirar ay wada hadlayaan looga qaban jirey wadamada Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya isla markaana ay adkeeyd inay is fahamaan, waxaana uu sheegey in maanta shirka watashiyada Dadyowga soomaaliyeed ee ah Hiigsiga 2016 uu yahay Guulo iyo Gobino gaartey Dowlada Soomaaliya.

“ wadatashiyada iyo nabad raadinta Soomaaliya waxay muhiin u yihiin shacabka, waxaan soo galaney shirar looga hadlaayey Hiigsiga Soomaaliya ,oo kaliye dad soomaaliyeed ka wada hadlaayeen, oo beesha caalamkana taagyeereyso ,wadatashiyada is daba jooga ah waxay dad tuseeysaa in umada soomaaliyeed ay  rabaan nabad, qof kasto oo halkan fadhiya wuxu mas’uul ama mataliya soomaaliya oo dhan, kaliye ma matalo ra’yigiisa Go’aano iyo fikrado wanaagsan ayaa la idinka rabaa, waaa inaad bad baadisaan Soomaalliya” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso

10

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here