Dhageyso:Ciidamada AMISOM Oo Gubey 2 Gawaari Oo Urarnaa Ganacsatadda Degmada Buurhakaba

0
177

Buurhakaba(INO)-Sida lagu soo waramayo laba gari oo xamuul ahaa kana baxay magaalada muqdsho oo kusii jeeday degmada Buur hakaba Ee gobolka Bay ayna lahaayeen ganacsato soomaaliyeed ayaa ku bas beelay degmadaasi, kadib markii ay si ula kac ah madaafiic ugu dhufteen ciidamada AMISOM ee degaanadaasi kusugan sida ay kudoodeen milkiilayaashii gaadidkaasi iyo hantidii ay wadeen.

Axmed Saaldo oo ka mid ah, ganacsatada degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay ayaa sheegey in maamulka degmada buurhakaba ay u Sheegeen dhibaatadda loo geystey hantidooda, isla markaana waxa uu sheegey in aysan waxba ka qaban karin arinta ay sameeyeen ciidamadda AMISOM.

amisommarka

Dhinaca kalana dowlada federaalka soomaaliya oo iyada shacabka masuuliyad gaar ihi ay kasaarantahay waxay ka dalbadeen in ay xuquuqda kamaqan si sharci ah ugusoo dhiciso Ciidamada Amisomna Looga Qaado Magdhaw.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here