Dhageyso:Cali Khalif Galayr oo sheegay marna inaysan ku biiri doonin Soomaaliland

0
156

Buuhoodle (INO) Madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khalif Galayr wuxuu sheegay marna inaysan ku fikireyn sidii ay ugu biiri lahaayeen Soomaaliland,waxa ay doonayaan wuxuu ku sheegay sidii ay ku noqon lahaayeen labo maamul oo daris ah.

Galayr, oo ka hadlayay magaalada Buuhoodle wuxuu beeniyay hadal-heynta ku aadan maamulka uu hoggaamiyo inay ku biirayaan Soomaaliland oo maalmihii dambe ay wada-hadallo u socdeen.

“Maamulkayaga Khaatumo kuma milmayo,maamul Soomaaliland la yirahdo -hadan idin leeyahay kuma milmeyno,”ayuu yiri Cali Khalif oo inta u darey. “Maamulka hadan noqonay labo maamul oo daris ah oo aan ku heshiino waxbadan oo naga quseeya”.

Waxaa kalo uu sheegay in waxbadan ay ka maqan-yihiin,Khaatumo oo la dhacay.

Cali Khalif, wuxuu hadalkan sheegay iyadoo si weyn loo hadal-hayo maamulka Khaatumo inuu ku biirayo Soomaaliland.