Dhageyso:Al-shabaab oo la sheegay inay Xirtay Shan ka mid ah Ajaanibta ka barbar dagaallama

0
224

Muqdisho(INO) — Al-shabaab ayaa la Sheegay inuu soo Saaray Amar Mamnuucaya jeedinta Khudbado ama hadallo Ururka dhexdiisa ka abuuraya iska horimaad ku saabsan ku biiritaanka ururka Daacish ama ISIS.

Xarakada_Al_shabaab_Somalia_660

Qoraal soo baxay Bishaan ayaa la sheegay in Ururku uu ku Adkaystay inuu ka mid ahaado Al-Qaacida, isla markaana meel cad ay ka istaagi doonaan ciddii dariiqaas ka leexata.

Muddo, ayaa Al-Shabaab, waxa ay dhexdeeda isku haysay inay ku biiraan Daacish, sida ay xubnaha kooxda qaarkood ay soo jeediyeen ama ay kasii mid ahaadaan Al-Qacida.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay shalay shan qof oo ajaanib ah ku qabteen magaalada Jamaame, kuwaasi oo ay soo xireen amniyaatka Al-Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here