Dhageyso: Yusur Abraar Oo Soo Gaartey Muqdisho & Xil Mihiim ah Oo Loo Magacaawayo

0
190

Muqdisho(INO)- Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Yusur Aadan Abraar ayaa soo gaartay magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay Madaxda Dowladda cusub u yeereen, si loogu dhiibo Xil Qaran.

Ilo-wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaa sheegayo in Yusur Abraar safka hore kaga jirto Mas’uuliyiinta Xilalka Qaranka loo dhiibi doono, balse ma kala cadda in loo magacaabi doono Xil Wasiir ama ay noqon doonto Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia.

Warar Loo-qaateen ah ayaa muujinaya in loo magacaabi doono xilka Wasiirka Maaliyadda ama Qorsheynta Qaranka, inkastoo ay dhici karto in dib loogu magacaabo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxa Guddiga Qaranka ee La-dagaalanka Musuqa.

Yusur Aadan Abraar waxay Masraxa Siyaasadda ku soo biirtay sannadkii 2013-kii, waxay iyada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh markii ugu horreysay isku barteen Shirkii Caalamiga ee Hiigsiga Cusub ee bilowgii bishii September ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa loo magacaabay Bishii September 13-dii ee sannadkii 2013-kii, balse kuma aysan raagin Xilkaasi oo ay iska casishay bishii October 30-dii ee isla sannadkaasi.

Yusur Aadan Abraar ayaa shaacisay inay jiraan Qaladaad Musuq ah, isla markaana sifo aan sharci lahayn Malaayiin Dollar lagala baxay Khasnadda Bangiga Dhexe ee Somalia.

Inkastoo ay 7 isbuuc oo keliya ahayd Guddoomiyaha Bangigaasi, haddana waxay Warbixinteeda soo jiidatay Indhaha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Deeq-bixiyayaasha ee hal irmaan u ahayd Dowladda Federalka Somalia, kuwaasi oo su’aal geliyey Hufnaanta Loogu deeqo Dowladda Federalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Imaanshaha Yusur Aadan Abraar ayaa u muuqata Tallaabo uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu ku xoojiyo La-dagaalankiisa Musuqa, balse, Siyaasiyiinta wax naqdiya ayaa rumeysan inaan haba yaraatee lagu caano maali karin Xil magacaabista ku timaada Nidaamka Garab-iska-taabashadda Jaalnimo iyo Ehelnimo.