Dhageyso: Xildhibaanad Saado Cali oo ku baaqdey in Ciidamada dalka Somalia si siman loo qeybsado

0
177

Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka mida xubnaha Barlamanka Somalia ayaa ku baaqday in qaybsiga ciidamada DF Somalia lagu saleeyo 18-kii gobol ee dalku lahaa ka hor burburkii 1991.

Saado ayaa hadalkan ka jeedisay fadhigii Barlamanka ee maanta 20 July,2013 oo mudanayaashu ku ansixiyeen heshiis dhanka Militeri ay horey u wada galeen Dalalka Somalia iyo Turkiga.
Dhageyso Hadalka Xildhibaan Saado ku dhaliishey dhismaha ciidanka oo u badan hal dhinac: [audio:http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/07/Saado.mp3]
Ciidamada Xooga dalka ee haatan ku sugan Muqdisho iyo kuwa xeryaha tababarka jira ayaa la sheegaa inaysan ahayn kuwo matali kara Somalia madaama ay beelaha koonfurta ay ku koobanyihiin islamarkaasina hareer mareen habkii wax ku qaybsiga ee lagu heshiiyay ee 4.5.

saadoCali

Waxa ay Saado sheegtay inaysan caddaalad ahayn in ciidamada xoogga dalka Somalia ay gebigoodba noqdaan kuwa laga keenay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Saado Cali ayaa sidoo kale ka hadashay arin soo jiidatay indhaheeda oo ahayd in heshiiska ay ansixiyeen lagu qoray afafka Turkiga iyo English iyadoona codsatay in luqada rasmiga ah ee Somaliga lagu qoro.

Heshiiskan oo aan si wayn loo fahfaahin ayaa fadhigii barlamaanka ee Gudoomiye Jawaari shirka hogaaminayay waxa uu sheegay inuu ansaxay ka dib markii 170 mudane ay cod gacan taag ah ku raaceen halka 14 diiday iyo saddex ka aamustay

Idale News Online