Dhageyso: Xildhibaan C/qaadir Dhagacade: ” Xildhibaanada Sheegey Inay Fashilantey KGS,Waxa Dabada Ka Soo Riixaya Siyaasiiyin iyo Qurbo Joog”

0
154

Baydhabo(INO)- Xildhiban C/qaadir Shacbaan Axmed ( C/qaadir Dhagacade) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la nasiib daro ku tilmaamey Hadalo iyo Bayaan ka soo baxay Mudanayaal ka Tirsan Baarlamanka KGS  Kuwaasoo Ku Shirey Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/qaadir Dhagacade oo u Warameys Bandiga TV-ga Kalsan ayaa sheegey in Xildhibaanada ku shirey magaalada Muqdisho ay  gadaal ka soo riixayaan Siyaasiyiin sida uu sheegey  ku soo hongaboobeen Doorashadii Aqalka Hoose Ee Magaalada Baydhabo iyo Qurbo Joog Ka Tagey Magaalada London Ee Dalka UK.

Xildhibaanka ayaa sheegey in Xidhibaanada Ku shirey Muqdisho ay gaarayeen sida uu xustey 6 Xildhibaan isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqey in 149 mdune aysan ka turjumeyinin 6 Xidhibaan  Oo dano siyaasadeed leh waa sida hadalka u dhigey ee.

Isagoona  meesha ka saarey in aysan waxba ka jirin dhaliilo adag Oo  loo jeediyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ahna Musharaxu taagan qabashada Madaxweyninimada Somalia.

Wuxu Xusey Waxqabad badan oo la sheegey in Koonfur Galbeed ay sameysey mudadii ay jirtey.

Xildhiban C/qaadir Shacbaan Axmed ( C/qaadir Dhagacade) Ayaa  sheegey in aysan jirin qodob sheegaya oo ku qoran Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u diidaya inuu Madaxweyne Shariif Xasan isu soo sharaxo Madaxweynaha Soomaaliya Sanadkan.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Idale News Online, London