Dhageyso: Xildhibaan Cosoble “Haddii Madaxweynuhu ka madax adeego baaqeena, talaabo sharci ayay tageysaa in xilka looga qaado”

0
167

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo maanta ku shiray Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka iska casilo, iyagoo sheegay in madaxweynuhu uu ku guul-darreystay inuu dalka si wanaagsan u hoggaamiyo.

[audio:http://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/05/cosoble.mp3]
Mudanayaashan oo tiradoodu ka badnayn130, ayaa waxay baaqa kasoo saareen kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho, iyadoo sheegay in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbali waayo baaqooda ay u mari doonaan xil ka qaadistiisa sida uu sharcigu qabo.

osoble

“Nuxurka bayaankeennu wuxuu xambaarsanaa laga soo billaabo sannadkii 2012-kii qaabka dalka lagu hoggaamiyo kuma qabansana inta badan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ay u muuqdaan dhaliilo badan, haddii aan hadda wax laga qabanna ay adag tahay in dalka uu geli karo xaalad mugdi ah marka la gaaro sannadka 2016-ka,” ayuu yiri xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in go’aankan kasoo baxay xildhibaannada uu yahay mid ay ra’yigooda ugu soo jeedinayaan madaxweynaha iyagoo ku leh, madaxweyne howsha socota sida aan ku qiimeynay noolama eka inaad howsha sii wadi karto, waxaana kugula talinaynaa inaad xilka ka dagto si shacabku ay u soo doortaan hoggaan kale.

“Haddii ay noqoto in madaxweynuhu uu baaqeennan aqbali waayo waxaan mari doonaa sida uu sharcigu qabo oo aan mooshin ka geyno, maadaama dastuurka uu ogol yahay in saddex meelood laba meel tirada baarlamaanka ay mooshin ka keeni karto madaxweynaha,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa intaas raaciyay in tirade mooshinka geyn karta baarlamaanka ay hayaan, balse ay ka wareegsadeen taas si dalka uusan u gelin muran siyaasadeed iyo is-jiid-jiid.

Mar la weydiiyay xildhibaanka in sannadkii hore ay kasoo gudbeen khilaafaadyo u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, arritanna ay tahay dhibaato kale, ayaa wuxuu ku jawaabay in khilaafkaas uu ahaa mid u dhexeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihii hore uuna madaxweynuhu u sheegay inuusan la shaqeyn karin, iyaguna ay u fududeeyeen, ra’iisul wasaare kale iyo wasiirro ayaa la magacaabay welina waxaa muuqata inaysan waxba is-bedelin.

“Halka ay sartu ka qurunsan tahay ma ahan ra’iisul wasaare la bedelo, balse waa in la bedelo hoggaanka sare ee dalka, waayo waxaa muuqata in dhamaan howlihii dalka lagu hoggaamin lahaa ay kusoo ururtay laba iyo saddex qof, mana ka bixin karaan dhibaatadii uu labaatanka sano ka badan kusoo jiray,” ayuu mar kale yiri xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in madaxweynaha ay si hoose iyo si sareba wax ugu sheegeen, balse maanta ay marayso inay isku yimaadaan xildhibaanno 130 ka badan arrintaasna ay si cad uga hadlaan.

Xildhibaanka oo warbaahinta uga jawaabayay in xilligii dowladdu ay howsha wadaysay ay muddo yar ka harsan tahay, haddii lagu mashaquulo in la bedelo madaxweyne iyo wixii la mid ahna in la gaari karo hadafyada 2016-ka la higsanayo ayaa ku jawaabay:

“Haddii hadda aan wax laga qaban arrimaha taagan, waxay noqonaysaa in dalka uu kusii jiro xalaaddii uu ku jiray sannad iyo barkii lasoo dhaafay, waayo waxaa la rabay hadda in la diyaariyo guddi doorasho, fereraalka in dalka laga hirgeliyo, in la sameeyo maxkamad sare iyo in la sameeyo dhammaan guddiyada uu qorayo dastuurka, waana kuwaas kuwa dhiilladaan nagu dhalinyay, taasoo ah in aanay waxba horay u socon.”

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in qorshahoodu yahay inay isbedel ku sameeyaan hoggaanka sare ee dalka, si ay shacabku soo doortaan ruux wax-qaban kara oo baarlamaankuna la xisaabtami karo.

C/qaadir Cosoble oo ka mid ahaa murashaxiintii sannadkii 2012-kii u tartamay hoggaanka dalka ayaa sheegay inay madaxweynaha ugu tageen si gooni-gooni ah iyo si wadar-wadar ah; laakiinse uusan waxba kasoo qaadin talooyinkoodii.

Waa markii ugu horreysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlmaaanka Soomaaliya ay ugu baaqaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska casilo xilka, tan iyo markii ay kursiga u doorteen sannadkii dhammaadkiii 2012-kii.