Dhageyso: Wasiirada iyo Xildhibaanada Ugu Jira Beesha DM Ee DF Soomaaliya Oo Taagyeero Dhaqaale Siinayo Dowlada KGS

0
198

Muqdisho(INO)-Maxamed Isaaq Fanax Wasiiru Dowlaha wasaarada duulista Gaadiidka iyo Hawada ee dowlada  soomaaliya  ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta KGSoomaaliya  ayaa wuxuu ku sheegey in  Beesha Digil iyo Mirifle  intii dowlada ay kujiraan xildhibaan ama wasiir ay go’aan sadeen in la taageero dowlada KGSoomaaliya  oo bilwalibana lasiiyo Aduun gaareya 200.000USD.

Wasiir Maxamed Isxaaq  fanax ayaa Sidoo kale  sheegey in Dowlada KGSoomaaliya  markii la dhisaayey aysan u diyaarsaneyn Ciidan dhankasta ah, xarumo iyo meel hagaagsan oo ay shaqo ka bilowdo dowladu laakiin ay ka bilowdey meel eber ah oo aan waxba yaalin , sidaasi daraadeed waxaanu go’aan saney ayuu leeyahay mr. Fanax inaan waxba aanu kala hagranin mudo 6 bilood joogto ah inaanu siino lacag gaareysa Labo Boqol Kun Doolar bilkasta.

Ugu dambeyntuu Talaabadaan hadii ay ka dhabeeyaan mudaniyaasha dowlada Ugu Jira Digil iyo Mirifle ayaa waxay u noqoneysaa Mid taariikhi ah oo ebed aa la ilaabi doonin mid taariikhda ugasha waagii dowlad la heley ilaa maanta wax la taaban karo oo ay qabteen.

 Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here