Dhageyso Wareysi: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka Hadlay Doorashadiisa

0
155

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Seddexda Gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo caawa wareysi siiyey Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu ka warbixiyey Doorashadii galabta ee xilka isaga uu helay.

Shariif Xasan ayaa waxa uu hoos udhigay in madaxda ugu sareysa Dalka aysan waxba ka qaadi karin maadama shacab isku tashaday ay iyagu xilka u doorteen islamarkaana sheegay in seddexda Mas’uul ee dalka ugu sareysa ay iyagu xaq u laheyn joojinta shirkii ay hore utaageereen.

Mar la weydiiyey sida uu u arko Maamulka Lixda Gobol ee Baydhabo isagana ka shaqeeya ee Madoobe Nuunoow Maxamed Hogaamiyo isagoo sheegay in cid kasta oo wax ka tabaneysa maamulka madaxweynaha uu unoqday isaga uu la xaajoonayo.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa Seddexda Gobol uu yahay mid ay Caalamku taageersan yihiin.

Halkan Ka Dhageyso

shariif xsan
Idale News Onlin, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here