Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaare geystay oo ka dhacay J/Hoose

0
160

Kismaayo(INO)-Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuulada Yaaq-bishaaro oo 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu socday mudo saacado ah.

Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay ka gubeen Gaadiid iyo sidoo kalena ay gacan siiyeen dadka xoolo dhaqatada ah ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.

Dagaalkaasi ayuu  sheegay in ay sidoo kale ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab , waxaana uu ku hanjabay in ay la wareegi doonaan dhawaan degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.