Dhageyso: Shariif Xasan Oo Ka Hadley Safarkii Turkiga iyo Abaarta Ka Taagan KGS

0
183

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay sii kordheyso saameynta Abaarta ka jirta degaano ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay ku dhibaateysan yihiin magaalooyin iyo degaano ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, isagoo tiilmaamay degaanada qaar in ay weli yihiin kuwa go’adoon ku jira oo aan gurmad la gaarsiin karin.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay Xoojiyaan howlgalka Wado furista iyo ka saarista Al-Shabaab degaanada ay kaga sugan yihiin Koofur galbeed.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin kuwa dhibaateysan oo u baahan gurmad dhinac kasta ah.

Degmooyinka qaar ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay yihiin kuwa go’adoonsan oo wadooyinkii soo geli lahaa ay xireen Al-Shabaab, iyo degaanada qaar oo Al-Shabaab ay si buuxda u maamulaan.

Halkan Ka Dhageyso