Dhageyso rakaabka caasiga oo ka sheekeynaya 70 sano jiro Kufsi iyo dhac u geystey dadkii baabuurka saarnaa

0
184

Rakaab saarnaa gaari caasi ah oo ka tagey magaalada Muqdisho kuna sii jeedey Degmada Buulo Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa waxaa dhibaato isugu jirta kufsi iyo boob aan loo meel dayin u geystey burcad odayaal ah meel u dhow degmada Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadkii dhibanayaasha ahaa ee dembigaas lagula kacey oo u waramayey idaacadaha gudaha ayaa sheegey in dadka dhibaatada geystey ay ka soo jeedeen beesha Gaal Jecel ee xooga ku haysta degmada Leego, oo had iyo jeer dhac iyo kufsi kula kaca gaadiidka u socda gobalada koonfureed ee dalk gaar ahaa Bay, Bakool iyo Gedo.

Waxaa la yaab iyo amakaag ku noqotey dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa baabuurka hoomeyda in burcada dhibka geystay  ay wada ahaayeen odayaal lagu qiyaasey iney da’doodu kor u dhaafeyso 60 sano jiro tiradooduna lagu sheegey 4 oday. Odayaasha isbaarada dhigtey ayay sheegeen in ay dadka baaraayeen isla markaasna dharka ka fiiqeen dumarkii iyo barima geydadii saarnaa baabuurka.

Maamulka ka jira Gobollada Bay iyo Bakool ayaa horey uga hadley boobka iyo kufsiga dadka loogu geysto deegaanka Leego iyo Yaaqbari weyne. waxayna fareen dowlada Federaalka iney ay wax ka qabato burcadaas deegaanka aan u dhalan ee haddana falalka foolxumada leh kula kacda dadka deegaanka iyo gaadiidka ganacsiga iyo rakaabka halkaas isaga kala goosha.

22kii sano ee dagaalada sokeeye jireen ayaa waxaa degmada Leego iyo Yaaqbariweyne aad ugu soo badanaayey beelo hubeysan oo bara-kiciyey dadkii deegaanka lahaa isla markaasna burcadnimo kula kacaayey safarka iyo dadka Soomaaliyeed,  kuwaasoo qaarkood weliba sheegta iney ka tirsan yihiin ciidanka dowlada amaba ku qaraabta magaca dowlada Federaalka Soomaaliya, baro koontoraalna ka sameystey Balidoogle, Leego iyo Yaaqbariweyne oo intuba ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jirta cid isku howshay in rakaabka wadadaas ku safra ka qabato dhibaateynta joogtada ah ee burcadaas ku hayso, waxaase hubaal ah in odayaasha degmada Leego hadda ku sugan ay wax badan ka og yihiin falalkaas burcadnimo ee rakaabka ku dhaca isla markaasina hoy siiyeaan burcadaasi caadeysatey dhaca dadka Soomaaliyeed.

Dhageyso dhacdada la yaabka leh ee wadaaas ku qabsadey rakaabkii oo ka sheekeynaaya sida ay maanta wax u dhaceen

Idale News Wanlaweyn