Dhageyso RADIO IDALE: Baarlamanka Dowlada KGS Oo Mudo 2 Todobaad Gudahood Lagu Dhisaayo

0
221

Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa rajo wanaagsan ka qabta in muddo Laba Todobaad ah kusoo dhisto baarlamaanka Dowlada KGS.

Siyaasiga Cabdiqaadir Abukar Ibraahim oo ka mid ah sugayaasha xildhibaanada baarlmaanka Dowlada KGS  ayaa sheegey, in Odayaasha ay soo dhameyn doonaan soo xulista xildhibaanada.

Todobaadka maanta bilawga ah ayuu sheegay in Odayaasha dhaqanka qaarkood oo fasax ku maqan ay tagi doonaan magaalada Baydhaba, islamarkaana ay soo gaba gabeyn doonaan howsha xildhibaanada.

Soo xulista xildhibaanada baarlmaanka dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa loo eegi doonaa dhanka beelaha oo wax lagu qeybsanayo, waxaana Laba Todobaad gudahooda la filayaa in lasoo gaba gabeeyo howshaan.

Halkan Ka Dhageyso RADIO IDALE

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here