Dhageyso Imaamka Habar Gidir: “Xalka gaarka ee Puntland goobeyso ha la ogaado in maamul goboleedyada dhismaaya iyaguna ay goobi doonaan”

0
207

Cadaado(INO)-Tan iyo markii magaalada Garowe ee gobolka Nugaal heshiisyo kala duwan ku kala saxiixdeen Dowlada Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka Qodob ka mid ahna uu dhigayay in gobolka Mudug qeyb ka mid ah la raaciyo maamulka loo dhisayo G/dhexe ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo kala duwan.

Waxgaradka ka soo jeedo gobolada dhexe ayaa xilligan waxay ku baaqayaan in dadka degan Waqooyiga gobolka Mudug loo daayo halka ay raacayaan.

Imaan C/llaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan gobolada dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in wax la aqbali karo aysan ahayn heshiiskii Garowe iyo Hadalkii madaxweynaha Soomaaliya,isagoona xusay in loo daayo Shacabka degan Waqooyiga gobolka Mudug inay iyagu aayahooda ka tashadaan.

Wuxuu sheegay Imaan C/llaahi in Mudug iyo Galgaduud la isku darayo si shacabka halkaasi ku nool ay u sameystaan maamul mideysan.

shirka Garaowe

Dastuurka qabyo qoraalka dalka ayaa dhigaya in Labo gobol iyo wixii ka badan loo sameyn karo maamul.

Idale News Online, Mogadishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here