Dhageyso: Gudoomiyaha Midnimada Beelaha Hawiye Xasan Xaad oo dowlada Kenya iyo Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyey dagaalka Kismaayo ka dhacey

0
197

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyay Labo Ciidan oo kala Taabacsan Sheekh Axmed Madoobe iyo Iftiin Xasan Baasto,waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa dagaalkaasi ku baaqay in la joojiyo, isagoona geesta kale eedayn kulul u Jeediyay Ciidamadda Kenya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM iyo Maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamey maamul ay Kenya ay keentey ama yimid oo aysan aheyn dad dhulka leh.

Dhageyso Guddomiyaha Midnimada Beelaha Hawiye oo si kulul u weerarey dowlada Kenya: [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Wareysi-Gudomiyaha-Golaha-dhaqanka-iyo-midnimada-beelaha-Hawiye-Maxamed-Xasan-Xaad-08-06-2013-Sax.mp3]

Idale News Online